Somalia: Wasiiro katirsan Xukuumadda oo maanta ku wajahan Kismaayo

Wasiirada maanta u ambabaxay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa waxaa kamid ah wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, iyo Wasiirka Cadaaladda.

Ujeedada safarka wasiiradaan ayaa lagu sheegay inay tahay ukuurgelida xaaladaha ka taagan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalkaasi Jubadda hoose.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa la sheegay inuu soo kormeerayo ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalkaasi sida ay ushaqeeyaan iyo xaaladaha ammaanka ee Gobalkaasi.

Sidoo kale Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay in ujeedka uu isna utagayo Magaalada Kismaayo ay tahay inuu halkaasi kasoo hirgeliyo nidaamka garsoorka iyo cadaalada ee Dowladda Soomaaliya.

Waa Wasiiradii ugu horeeyay ee ka tirsan Xukuumadda Soomaliya tan iyo markii lasoo magacaabay ay tagaan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose.

Kismaayo oo ay iminka gacanta ku hayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan waxaa laga soo celiyay wafdi ka tirsan Dowladda oo howlo shaqo ah u tagay Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here