Wasiiro ka tirsan xukumada Soomaaliya oo ka mid noqday dadki ku dhaawacmay qaraxi maanta

Waxaa iska soo daba dhacay warar iss qilaafsan oo sheegaya in qaraxi maanta ay ku dhaawacmeen laba wasiir oo ka tirsanaa xukumada Soomaaliya.

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo madax banaan, waxaa dhaawacyo fudud kasoo gaareen  Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah C/laahi Goodax Bare, Wasiirka ganacsiga ahna Ra’isulwasaare ku xigeen, C/wahaab Ugaas Qaliif Ugaas Xuseyn, iyo sidoo kale xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud.

Waxaa kale oo ka mid ahaa dadka la yaqaano ee dhaawaca ah, Cabdi Xaaji Goobdoon, iyo Caasho Geesdiir oo ah gudoomiyaha ururka haweenka.

Goor dhaweydna wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Ina Jaahweyn oo ka hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dadka ku dhintay oo ay dowlada ogtahay ilaa iyo iminka in ay yihiin 2 ruux, muusan sheegin dhaawacyada wasiirada.

Laakin wariyaasha ayaa soo sheegay in dhaawac fudud uu soo gaaray gudoomiye ku xigeenki hore ee baarlamaanka xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa kaasi oo dib loogu celiyey gurigiisa marki la dabiibay.

Wariye Yusuf Keynaan oo ka mid ah saxafiyiinta ugu caansan magaalada Muqdisho kana mid ah dadki maanta joogay qaraxa ayaa inooga warbixiyey sida ay wax u dhaceen.

“Qaraxa waxa uu ka dhacay Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho, waxaana loogu dabaaldagayey sanadguuradi dib u howlgelinta tiyaatarka qaranka, waxaa joogay lix wasiir, xildhibaano, saraakiil, ciidan, ciidamada Amisom, Ra’isulwasaare Cabdiwali, waxaana saacadu marki ay aheyd 10:30 aniga iyo koox wariyaal ah u dhaqaaqnay Tiyaatarka, marki aan cagta saarnay waxaan marnay sadex meel oo ay ciidanka dadka ku baarayeen iyadoo baaritaanka ugu danbeeyey ay na marsiiyeen AMISOM, marka waxaan la yaabanahay qofka is qarxiyey sida ay ugu suura gashay koleey hey’adaha amaanka iyaga ayaa baari doona e, laakin waxay u muuqatay qofka oo ahaa dumar in aanan lasoo baarin, ma fududeyn galida tiyaatarka sida aan soo sheegayna waxaa la isku baarayey sadex meel,  marka hore xaflada waxay ku bilaabatay heeso, kadib waxaa hadlay agaasimihi ugu horeeyey ee Telfashinka Qaranka Cabdi Xaaji Goob Doon, waxaa ku xigay agaasimaha wasarada warfaafinta Bahlaawi, Wasiirka Warfaafimnta ayaa kusii xigay, kadib Ra’isulwasaaraha ayaa istaagay, laba daqiiqo kadib ayaa waxaa soo istaagay gabar fadhiday bartamaha kuraasta, inti ay soo socotay waxaa ka shakiyey askari koofi gaduud ah laakin marki uu usoo dhaqaaqay ayaa nin malaha la yaqaano yiri war gabadha waa la yaqaane ka leexo, askarigi wuu laabta, hadana gabadh askariyad ah ayaa timid, kadibna waxay dhahday waa lagu baarayaa kadib gabadhi way ka madax adeegtay waxayna u dhaqaaqday safka hore ee kuraasta kadibna waxay is qarxisay,” ayuu yiri saxafigaan.

Gabadha is qarxisay ayaa lagu sheegay in ay aheyd gabar qiyaastii 20-jir aheyd sidoo kalana ay aheyd gabadh gaaban.

Wali waxaa iska soo daba dhacaya qasaaraha uu geystay qaraxaan, waxaana laga yaabaa in qasaaraha uu sii bato.

Wixi kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.