Wasiiro ka tirsan DF Somalia oo goordhow gaaray Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegay in wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka gaashandhigga ay goordhow ka dageen garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Wafdiga wasiirka gaaashandhigga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi  ayaa waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi, wasiirka garsoorka, Cabdullaahi Abyan Nuur iyo saraakiil ka tirsan AMISOM.

Wafdiga ayaa markii ay ka dageen garoonka waxa ay halkaas kula kulmeen saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya, laakin ilaa hadda lama sheegi karo ujeeddada socdaalka wafdiga.

Wariyaal ku sugan Kismaayo ayaa Midnimo u sheegay in wafdiga ay tageen Kismaayo sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda magaalada.

Si kastaba imaashiyaha wafdigana ayaa ku soo aadayay iyadoo magaalada Kismaayo ay hadda ku sugan yihiin wafdi xaqiiqo raadin oo ka socda dowladda ayaa horey ugu sugnaa magaalada Kismaayo.

Lama oga ilaa haatan in wafdiga ay gudaha u galeen magaalada iyo in kale. Sidoo kale waxaan la ogeyn inay la kulmi doonaan madaxda maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe oo khilaaf dhinaca siyaasadda ah uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here