Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada KMG ayaa goor dhaweyd gaaray Beledweyne

Wafdi ka kooban xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdigaan oo uu hogaaminayo wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa waxa ay ka amba baxeen magaalada Muqdisho waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Qaliif kusoo dhaweeyey xildhibaano horay u joogay Beledweyne, waxgarad iyo saraakiil ka tirsan maamulka la magax baxay Dooxada Shabelle.

Xildhibaanada ayaa la sheegayaa in ay u badan yihiin mudanayaasha kasoo jeedo Hiiraan kuwaasi oo ka xumaaday safarki Ra’isulwasaaraha uu ku tagay Beledweyne laba todobaad ka hor, sidoo kale waxaa qeyb ka ah wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee dowlada KMG Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Amiin Xasan oo ka mid ah mudanayaashi soo dhaweeyey ayaa sheegay in ujeedka wafdiga uu yahay sidi ay ugala tashan lahaayeen qeybaha kala duwan ee magaalada Beledweyne dhisida maamul cusub oo ay dooneyso dowlada KMG Soomaaliya in ay ka hir geliso Gobolka Hiiraan.

Wixi war ah ee ku soo kordha kala wararkeena soo socda ayaad kaga bogan doontaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.