Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada KM oo xalay Muqdisho ku xusay sanadka cusub 2012

Munaasabad ay kasoo qeybgaleen madax ka tirsan dowlada KMG Soomaali oo loogu dabaal dagay sanadka cusub ee 2012 ayaa xalay ka dhacday degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho.

Wasiiro ay ka mid ahaayeen wasiirka gaashaandhiga iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa kasoo qeybgalay munaasabada oo sidoo kale ay xaadir ku ahaayeen gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo xildhibaano.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud oo hadal ka jeediyey xaflada ayaa sheegay in dalka sanadki lasoo dhaafay uu soo maray marxalado dag, balse uu rajeynayo dhamaan Soomaaliya in sanadkaan uu u noqdo sanad qeyr qaba.

Ra’isulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey sanadkaan cusub iyo sanadka cusub dhamaan ciidamada kala duwan ee dowlada oo uu ku sheegay ciidamadi ka danbeeyey in magaalada Muqdisho ay qabsato dowlada KMG Soomaaliya.

Xalayna R’isulwasaare C/wali oo la hadlay warbaahinta ayaa hambalyo ku aadan sanadka cusub u diray shacabka Soomaaliyeed isaga oo u rajeeyey in sanadkaan sanadkiisa kale ku gaaraan nabad iyo horumar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.