Wasiiro booqday bukaanadii dhaawacyadu ka soo gaareen qaraxii Tiyaatarka

Madax katirsan golaha wasiirada dowlada KMG ayaa booqasho ku tagay isbitaalada ay ku jiraan dadkii dhaawaca uu kasoo gaaray qaraxii Shabaab ay ka gaysteen Muqdisho.

Xubno kamid ah golaha wasiirada dkgaarka ah ayaa maanta booqday isbitaalada lagu daweynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay tiyaatarka Muqdisho.

Isbitaalada maanta ay booqdeen masuuliyiinta ka tirsan xukuumadda KMG Soomaaliya waxaa ka mid ahaa isbitaalka Madiina oo la dhigay dhaawayadii ugu badnaa ee wax ku noqday qarixii shalay ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada qaranka Soomaaliyeed iyo isbitaalka Dar Alshifa.

Xubnihii golaha wasiirada ayaa waxa ay kula kulmeen isbitaalada ay booqden qaar kamid ah dadkii wax ku noqday qaraxii ka dhacay Tiyaatarka oo ay ka mid ahaayeen abwaano iyo suxifiyiin.

Agaasimaha isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa waxaa uu ka warbixiyey xaaladda dhaawacyada la soo gaarsiiyey Isbitaalka Madiina Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf isagoo sheegay 26 ruux oo dhaawac kala duwan qaba in  la soo gaarisiiyey isbitaalka 8ka mid ah dib loo celiyey markii loo sameeyey gargaarkii caafimaad ee ay u baahanaayeen 16- kalena ay jiifaan laba ruuxna ay ku geeriyoodeen gudaha isbitaalka.

Maalintii shalay ayey hayd markii qarax ismidaamin ah uu ka dhacay golaha murtida iyo Madadaalada kaas oo ay ku dhinteen mas’uuliyiin waaweyn ee dhinaca isboortiga dalka Soomaaliya ka mid ahayd sidoo kalana ay dhaawacyo ka soo gaareen  masuuliyiin ka tirsan dowladda KMGs, Abwaano, wariyeyaal iyo dad rayid ah.