Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Isboortiga, Shaqada iyo Shaqaalaha, iyadoo Wasiir cusub loo magacaabay.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa xilka looga qaaday Maxamed Muxiyadiin Sheekh Mursal oo ahaa Wasiirka Wasaarada Arrimaha Bulshada, Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Isboortiga.
Xilkan ayaa durbaba waxaa wareegta kale loogu magacaabay Maxamuud Jirde Xuseen oo horay u ahaa Wasiirkii Caafimaadka Xukuumadii Cumar Cabdirashiid.
Wareegtadan ayaa lagu qeexay inay xil ka qaadista iyo magacaabistaba ay ku timid soo jeedin Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo qodobo ku xusan Axdiga KMG xilka loogu qaaday.
Wareegtooyinka ayaa hadaba ukala qornaa Sidan:-
XEER MADAXWEYNAHA j.s. Lr.124, taariikh 19/04/2012
Xil Ka Qaadis Wasiir
Markuu arkay:- Qodobka 44aad,xubintiisa 3aad ee Axdiga kumeel gaarka ah;
Makuu arday:- Qodobka 2aad ee Sharci Lam. 14 ee 3dii Juun 1962kii iyo wax ka bedelkii ka dambeeyey
Nidaamka Dowladda (Ordinamento del Governo);
Makuu tixgeliyey:- Soo Jeedintii Ra’isulwasaaraha,Sumad XRW/481.04.12 kuna taariikheysan 18ka April
2012, oo ku saabsaneyd xil gudasho la’aanta Wasiirka WasaaraddaShaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Sboortiga
Asagoo Aqoonsaday:- In ay waajib tahay in shaqada Qaran loo guto si hufnaan,amaanno iyo karti ku Dheehanyihiin;
Wuxuu soo sarayaa Xeerkaan:
Qodobka 1aad
Waxaa xilkii Wasiirnimo ee uu hayey laga qaaday: Mudane Maxamed Muxiyidiin Sheekh Mursal oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Isboortiga.
Waxaana Wareegtadan ku saxiixan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed
Wareegtada kale ee iyana lagu magacaabay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyara iyo Isboortiga ayaa u qorneyd sidan:-
XEER MADAXWEYNAHA j.s. Lr.125,taariikh 19/04/2012
Magacaabid Wasiir
Markuu arkay: Qodobka 39aad, Farqadda 2aad, Qodobka 44aad Farqadda 1aad, Xafarka”e” Axdiga KMG ah ee J.s.
Makuu arkay: Qodobka 78aad, Farqadda 4aad ee Dastuurka 1960kii
Makuu Tixgeliyey: Soo Jeedinta Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ee ku sumadeysan
XRW/481.04.12 taariikh 18 April 2012
Markuu garwaaqsaday: In Jagada Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Isboortiga Banaanaatay ayna waajib tahay in la buuxiyo si ay dani ugu jirto maslaxadda umadda Soomaaliyeed
Wuxuu Soo Saaray Xeerkan Soo Socda:
Qodobka 1aad
Laga billaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo Dekreetadan waxaa Mudane Maxamuud Jirde Xuseen loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Federaalka KMG ah.
Wareegtanna waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.