Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Somaliya oo Geeriyooday

Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Marxuum C/risaaq Isaaq Biixi oo hore usoo noqday Wasiirkii Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.

jen-cabdirisaaq-isaaq-biixi

Marxuumka ayaa la sheegay inuu dhaawac kasoo gaaray Qarax ismiidaamin loo adeegsaday ee ka dhacay Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka G/gaduud Sanadkii 2012-kii isagoona dhaawacii soo gaaray uu ugeeriyooday sida la sheegayo.

Janeral C/risaaq Biixi ayaa isagu soo noqday Wasiirkii Gaashaandhiga Dawladii uu hogaamin jiray Marxuum Maxamed Siyaad Barre isagoo sidoo kalena xilal soo qabtay.

Waxa sidoo kale uu ka mid ahaa Xildhibaanadii Kumeelgaarka ahaa ee Baarlamaanka Soomaaliya.

INAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here