Wasiirkii Gaashandhigga Libya oo is-casilay

Sida ay qortay wakaalada wararka AFP waxaa is-casilay wasiirka arrimaha gaashandhigga dalka Libya Mohammed al-Barghathi kaddib markii muddo labo toddobaad gudahood isku day dil ay ka badbaadeen wasiiro ka tirsan xukuumadda ku-meel-gaarka dalkaas.

Warkan waxa wakaalada wararka Faranisiiska u sheegay wasiir laakin diidday in magaciisa la soo xigto.

Dalka ku yaalla waqooyiga Africa waxaa ka taagan xiisad kacsanaan, taasoo salka ku heysa, waxaa aad u kordhay maleeshiyaad hubeysan oo aaney jirin cid ay ka amar qaataan kuwaasoo dalka meelo badan gacanta ku haya.

Maleeshiyaadkan ayaa dhawaan waxa ay hareereen wasiiradda arrimaha dibedda iyo caddaaladda dalka Libya.

Maleeshiyaadkan ayaa dalbaday in xabsiga laga saaro sarkaal horre oo ka tirsanaa dowladii uu hoggaaminaayay Qadaafi kaasoo lagu magacaabo Moamer Kadhafi.

Barghathi ayaa is-casilaadiisa ku wareejiay ra’iisal wasaaraha dalka Libya.

Arrintan ayaa ku soo beegan tay iyadoo dhawaan baarlamaanka dalkaas ay meel mariyeen in wax xil ah loo dhiibi karin shaqsiyaadkii horrey ula soo shaqeeyay madaxweynihii horre.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.co

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here