Wasiirkii Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa oo xilkii wasiirnimo laga qaaday

Wareegto ka soo baxday goor dhow xafiiska madaxweynaha ayaa lagu shaaciyey in xilkii wasaarada  Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Maxamed Maxamud Xaaji laga qaaday kadib markii uu howshiisii ka soo bixi waayay.

Hase yeeshee wareegtadan laguma shaacin in wasiirku uu lumiyey xilka R/wasaare ku xigeenka oo uu hayay. Wasiirkii beeraha ayaa hore waxa uu ahaa wasiirka Arrimaha Dibbada hase yeeshee waxaa laga wareejiyey wasaaradaasi horaantii sanadkan.

Maxamed Maxamud Xaaji ayaa ka mid ah qurbojoogta Soomaaliyeed ee xilalka sarsare ka haysay dowlada federalka ah waxana uu ku noolaa kahor inta aanan lagu soo darin golaha wasiirada wadanka Ingiriiska isagoo macalinka ahaa iskuul ku yaal dalka Ingiriiska.

Haddaba wareegtada xilka loogaga qaaday wasiirka ayaa u qornayd sidan;-

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Beeraha,Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa.

Wareegtadan oo Lambarkeedu ahaa 086 kuna taariikheysneyd 28/03/2012 cinwaankeeduna ahaa Xil Ka Qaadis Wasiir ayaa lagu yiri:-

Markuu arkay:- Qodobka 44aad,xubintiisa 3aad ee Axdiga kumeel gaarka ah.

Markuu arkay:- Qodobka 2aad sharci lam.14 ee 3di juun 1962kii iyo wax ka baddalkii ka danbeeyey ee            Nidaamka Dowladda (Ordinamento del Governo).

Markuu tixgeliyey:- Soo jeedintii Ra’isulwasaaraha, Sumad XRW/412/03/2012 kuna taariikheysan 20ka Maarso 2012ka oo ku saabsan xil gudasho la’aanta Wasiirka Wasaaradda Beeraha,Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa

Asagoo Aqoonsaday:- in ay waajib tahay in shaqada Qaran loo guto si hufnaan,Amaano iyo karti ku dheehanyihiin.

Wuxuu Soo Saarayaa Xeerkan:-

Qodobka 1aad

Waxaa xilkii Wasiirnimo ee uu hayey laga qaaday: Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Beeraha,Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa.

Qodobka Labaad

Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa isla marka uu saxiixo Madaxweynaha, waxaana lagu soo saarayaa faafinta Rasmiga ah ee Dowladda.