Wasiirki Maaliyada Galmudug oo Muqdisho lagu afduubay

Mid ka mid ah Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa maanta barqadii ragg hubeysan ay ku afduubteen nawaaxiga Isgoyska KM4, afaafka horeeee Hoyga Madaxweynaha Galmudug ka degan yahay.

Wasiirka Maaliyada Maamulka Galmudug C/llaahi Jaamac Kaba-weyne ayaa la sheegay in ragga afduubtay ay jirdileen, dabadeedna ay si xoog ah ku saarteen gaari.

Ragga Afuubtan ayaa la sheegay in gaariga kula dhaqaaqeen, iyadoo markii dambe la ogaaday sababta loo afduubtay inay la xiriirtay arrimaha ka qeyb galka odayaasha dhaqanka Galmudug ee shirka Muqdisho ka furmay u matalaya.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa xaqiijiyay afduubka Wasiirka maaliyada, iyadoo markii dambe dadaalo ay sameeyeen Odayaasha Galmudug iyo mas’uuliyiintooda ay ku guuleysteen in la sii daayo.

Wasiirka oo dib u helay xoriyadiisa ayaa sheegay inuusan la hadli karin xilligan saxaafada, waxaana warar qaar sheegayana in aad loo jirdilay, xanuun uu la taahayay markii la sii gelinayay guriga Madaxweyne Caalin.

Afduubkan ayaa noqonaya kii u horeeyay Wasiir ka tirsan Galmudug Muqdisho loogu geysto, iyadoo kol hore Wasiir kooxo Burcad badeed ku afduubteen Magaalada Galkacyo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.