Wasiirki laga afduubtay Gaalkacyo oo isaga oo maxbuus ah kuna sugan gurigiisa wareysi siiyey warbaahinta (Dhageyso)

Burhaan Warsame Cigaal oo ah wasiirka waxbrashada maamulla Galmudug oo ay saakay afduubteen koox burcad badeed ah ayaa dib loogu soo celiyey gurgiisa oo ku yaala Koonfurta Gaalkacyo isaga oo wali maxbuus u ah kooxihi heystay.

Mas,uulkaan oo isaga oo xoriyadiisu ka maqantahay wareysi siiyey galabta laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in xaaladiisa ay hagaagsantagay isla markaana rag gaaraya shan ni oo hubeysan ay hada ku hayaan gurigiisa.

Waxa uu ka gaabsaday dadka heysta cida ay yihiin sababo dhinaca amniga ah iyo xoriyadiisa oo wali ka maqan daraadeed, balse waxa uu xaqiijiyey in loo lacago ka maqan ragaan burcad badeeda ah oo gaareysa $ 160,000 (Boqol iyo lixdan kun oo dolar).

Lacagtaasi ayaa kooxda dableyda ah waxay usoo qabsadeen dhawaan wiil 8 sano jir ahaa oo kasoo jeedo waqooyiga Gaalkacyo kaasi oo qaraabo la ahaa rag iyana burc badeed ahaa oo lasoo goostay lacagtaasi, waxaana lug weyn ku lahaa sii deynta wiilkasi saqiirka ahaa wasiirka hada la heysto.

Mar wax laga weydiiyey arintiisa afduubka ah in ay ka war hayaan maamulka Galmudug iyo hadii uu jeedinayo codsi ama baaq ayuu ku gaabsaday in uusan arimahaasi oo dhan ka hadli karin oo uu yahay nin maxbuus.

Wuxuu sheegay ehelkiisa oo iyana ku sugan guriga aanan waxba loo geysan isagana aysan jir dilin, waxa kale oo uu sheegay in wali aysan ugu hanjabin in ay dili doonaan hadii uu keeni waayo lacagta, balse ay dalabanayaan oo qura lacagta ka maqan.

Dhageyso Wareysi Burhaan Warsame Cigaal

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/01/wareysiburhaan.mp3″]

Burhaan ayaa xaqiijiyey inuu ku jiro xaalad ciil badan maadaama uusan aheyn nin xor ah hadana inta saakay 11:00 subaxnimo laga afduubay gurigiisa handa dib loogu soo celiyey kadib marki ay geeyeen guri ka mid ah Koonfurta Gaalkacyo.

Dad badan ayaa la yaaban sababta ay shan nin oo hubeysan ay gurigiisa afduub ugu heystaan isaga iyo qoyskiisa wasiir ka tirsan Galmudug xilli ay maamulka Galmudug oo sheegta dowlad goboleed ay ka taliyaan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.