Wasiirki Dastuurka Puntland oo geeriyooday

ALLA ha u naxariistee waxaa maanta cisbitaal ku yaala magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ku geeiryooday wasiirkii dastuurka maamul goboleedka Puntland Dr. Cabdi Xasan Jimcaale.

Wasiirka oo ka mid ahaa xubnaha lafdhabarka u ahaa dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa u dhintay xanuun uu baryahaan u jiifay halkaasi.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa uga tacsiyeeyey ehelka iyo qaraabada uu ka baxay Diktoorka.

“Dr. ALLE ha u naxariisto, dhamaan dadki uu ka dhintay iyo shacabka Soomaaliyeed waa uga tacsiyeynayaa, waxa uu ahaa aqoonyahan iyo qoraa buugag badan qoray, waana nin aanan hilmaami doonin,” ayuu yiri.

Hadaba door intee ah ayuu ku lahaa dastuurkii dhawaan la ansixiyey ee Puntland, waxaa ka jawaabaya madaxweyne Faroole.

“Wuxuu door ku lahaa diyaarintii dastuurki Puntlland ee dhawaan la ansixiyey, sidoo kale wuxuu kaalin ku lahaa dastuurkan cusub ee Soomaaliya, waxaa kale uu ahaa tiir ay ku taagneyd dowlada Puntland.” sidaa waxaa yiri madaxweyne Faroole.

Waxaa loo saaray gudi kasoo shaqeeya aaska wasiirka dastuurka Puntland oo la filayo in lagu aaso dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.