Wasiirki arrimaha gudaha Kenya oo ku dhintay shil diyaardeed

Shan ruux oo uu ku jiro wasiirki arrimaha gudaha dalka Kenya Kenyan George Saitoti ayaa ku dhintay kadib marki ay diyaarad helicoptar ah kula bur burtay meel u dhaw magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Shilkan oo dhacay barqadi maanta ayaa waxaa xaqiijiyey saraakiisha amaanka dalkaasi kuwaasi oo intaasi ku daray in diyaarada oo ay lahaayeen ciidamada booliska ku dhacday halka loo yaqaano buuraha Ngong.

Dadka ku dhintay shilkaas waxaa ku jira ku xigeenkiisa Orwa Ojode, waxaana wali war laga heyn sababaha keenay shilkaasi.

Ninkani ayaa ahaa 66  jir si weyn loogaga yaqaanay dalka Kenya waxaana uu ka mid ahaa raga lagu waday in ay isu soo taagaan doorashooyinka madaxtinimo ee ka dhici doona dalkaasi.