Wasiirki Arimaha Gudaha Maamulka Ximin iyo Xeeb oo geeriyooday

Wararka aanu caawa ka heleyno Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in shil gaari uu ku geeriyooday wasiirkii arrimaha gudaha ee maamulka la magac baxay Ximin & Xeeb Cabdi Cali Mire.

Geeridiisa ayaa ka danbeeyey ka gadaal marki baabuur uu la socday uu ku rogmaday inta u dhaxeysa deegaanada Cadaado iyo Godinlabe ee gobolkaasi waxaana uu u dhintay dhaawac culus oo soo gaaray.

Geerida marxuumka ayaa waxaa xaqiijiyey madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Adan Tiiceey oo sheegay in meydka Mr. Mire beri lagu aasi doono magaalada Cadaado oo xarun u ah maamulkiisa.

Xalay ayey aheyd marki sidaan oo kale uu shil gaari ugu geeriyooday gudoomiyihi hore ee Ahlu Sunnada Galguduud Sheekh Cumar C/qaadir oo maanta lagu aasay gobolka Mudug.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.