Wasiirka Warfaafinta oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, kana Warbixiyay Dhaqanka Galka Qodobadii kulamada Nairobi

Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay, isagoo ka warbixiyay dhaqan galka Kulamada Nairobi ku dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka ayaa faah faahin ka bixiyay safarkii madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ku tageen Dalka Kenya iyo kulamadii ay la qaateen masuuliyiinta dalka Kenya.

Wasiirka ayaa tilmaamay wax yaabihii ay Dowlada Kenya ka wada hadleen oo ay ka mid ahaayeen in Muwaadiniinta Soomaaliyeed la siiyo xuquuqdooda iyo sidii dib loogu celin lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed dalkooda.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hogaaminayay wafdi balaaran ayaa Kenya kula kulmay madaxweynaha iyo masuuliyiinta Kenya, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidi loo ilaalin lahaa Hantida umada Soomaaliyeed ee taala Suuqyada dalka Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. As wr ka dib waxaa yaab ah anaga hadaan somali nahay waxaan nahay dad aan horumar ku gaari karin caqriga ilaahay nagu manaystay maxaa yeelay waxaa nahay dad islaam ah dukada aanan fahmayn quraanka xataa hal aayad aan ku dhaqmaynin waxaana arintaan aan u leenahay hadalada madaxdeena somalida waa afka bax culays maleh maxaa yeelay lacagteena ayaan kusoo qaxnay nafteena ayaan lasoo baxsanay hadana waxaa la leeyahay dib ayaa loo laaban halkee inoo haysaan xamar nabad ma ahee berito ayaa qabiil qabiil isu garaacaysaan xamar anaa leh anaa leh ayaa mar hore ka dhacday sida ay waalidiinteena inoogu sheekeeyeen oo ay hada inoo muuqato dadow talo keena dadkaan ma madax somali matali karta mise jawaab ayaan kaga baahanahay dadka wax garadka ah ee somalida walaalahayga ah lulamuhsin@hotmail.co.uk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here