Wasiirka Warfaafinta: Ciidanka Ethiopia way sii Joogayaan dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobalada Baay iyo Bakool lagu qanciyay inay sii joogaan dalka Soomalia.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi oo la hadlaayay Idaacadda VOA ayaa sheegay in ciidanka Ethiopia ay diyaar u yihiin in ay dhinaca amamanka ka sii caawiyaan dowladda inta ciidamada dowladda iyo AMISOM ay kala wareegayaan meelaha ay joogaan.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in uu jiro kulan dhex maray guddoomiyaha Baarlamanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasho ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay iyo saraakiisha Ethiopia kuwaasoo markii dambe isku afgartay inay sii joogaan Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka wasiirka ayaa daba socda markii toddobaadkii horre ciidanka Ethiopia shaaciyeen in ay ka baxaan dalka Soomaaliya, maadama dowladooda ay sidaas ku amartay.

Ciidanka Ethiopia oo soo galay Soomaaliya sannadkii 2011-ka, ayaa gacan ka siiyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM in dhul badan laga qabsado Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here