Wasiirka Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamigaee dalka Jarmalka oo Muqdisho soo gaaray

Ku-simahaRa’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen UgaasKhaliif ayaa maanta qaabilay Wasiirka Horumarinta Dhaqaalaha iyo XiriirkaCaalamiga ah ee dalka Jarmalka Dirk Niebel.

Ku-simahaRa’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka ayaa kala saxiiday heshiis ku aadan sidiidowladda Jarmalku ay dhaqaalo ugu yaboohi laheyd horumarinta mashaariicda iyodib u dhiska dalka, gaar ahaana caasimadda, waxaana labada dhinac aywarbaahinta u qabteen shir jaraa’id oo ay ku faah faahinayaan ujeedada kulankaniyo heshiiska.

“Waxaanmaanta halkan ku qaabilnay Wasiirka Horumarinta dhaqaalaha iyo XiriirkaCaalammiga ah iyo wefdi uu hogaaminayo waxaana ka wadahadalnay xoojintaxiriirka dowladda Jaralka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyo sidii dowladdaJarmalka ay gacan uga geysan laheyd taakuleyn dhaqaale oo la siiyo dowladda”ayuu yiri Mudane C/wahaab oo xusay in ay heleen balan qaad dhaqaale.

WasiirkaHorumarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah Mr. Dirk Niebel ayaa isnadhankiisa sheegay in dowladda Jarmalka ay diyaar u tahay sidii ay gacan weynuga geysan laheyd dib u dhiska iyo gacansiinta dowladda Soomaaliyeed.

“Waxaanmaanta halkan ka balan qaadayaa in dowladda Jarmalku ay garab taagan tahayshacabka Soomaaliyeed iyo dowladdaba, waxaana halkan ka balan qaadayaa lacagdhan 94 milyan Euro oo aanu ugu talo galnay mashaariic horumarineed, sida dib udhiska caasimadda, biyaha” ayuu yiri Wasiirka oo tilmaamay in dowladdaFederaalka KMG ah ay ka caawin doontaan la dagaalanka kooxaha argagixisada ahoo  Qatar xoogan ku haya nabadda iyoxasiloonida geeska Afrika.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan imaadoSoomaaliya muddo ka badan 21 sano, waana arrin muhiimad gaar ah inoo leh” ayuumar kale yiri Wasiirka Mr. Dirk Niebel.