Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Britain Andrew Mitchel oo tagay Garowe

Waxaa manata magaalada Garowe tagay Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Ingiriiska Anrew Mitchel ayaa maanta magaalada Garoowe kula kulmay madaxda Puntland.

Mr Mitchell oo uu socdaalkiisa ku wehliyey Ergayga gaarka ee Britain u ugu qeybsan Soomaaliya Mat Baugh ayaa kulan kula qaatay xarunta madaxtooyada C/samad Cali Shire oo ah madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland.

C/samad oo la hadlay wariyaasha kadib kulanka ayaa sheegay in ay iskula soo qaadeen wada hadaladi maanta arimo isugu jiray, garaarka ay Britain horay ugu balan qaaday Puntland, arrimaha burcad badeedka, amaanka iyo shirka magaalada London.s

“Waxaan isla soo qaadanay arrimo dhowr ah, sida burcad badeedka, nabadgalyada guud, iyo kaalmooyinka ay bixiso Britian iyo shirka London oo ah noqon doono kan soo afjari doono xaalada Soomaaliya,” ayuu yiri.

Dhanka kale Andrew Mitchel ayaa isna warfidiyeenka la hadlay isaga oo yiri: “Waxaan halkaan u joogaa inaan arko waxa ka jiro Puntland iyo inaan fahan wanaagsan helo kahor shirka London ka dhici doona 23-ka Febraury, waxaan kale oo aan kala hadlay arrimaha burcad badeedka, taageeradi hore dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo dhisida xabsi,”.

Dowlada Ingiriiska ayaa wado dadaal ay shir ugu qabaneyso dhinacyada siyaasada Soomaaliya, waxaana shirkaasi lagu tilmaamayaa shir ahmiyad weyn u leh dhamaan Soomaalida.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.