Wasiirka Gaashaandhigga Oo Xafiiska Ku Qaabilay Safiirka Dowladda Hindiya U Fadhiya Dalka Kenya… WARSAXAAFADEED

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Hindiya u fadhiya dalka aynu jaarka nahay ee Kenya oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ugu horeyn ka wada hadlay xaaladda guud ee Dalka iyo isbedelladii ugu dambeeyey ee hormarineed ee ka dhacay gudaha Dalka taasi oo Wasiirka Difaaca Dalka iyo Safiirka Dowladda Hindiya u fadhiya Dalka Kenya ay si aad ah iskula gorfeeyeen.

Ugu horeyn Wasiirka Difaaca Dalka Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa faah faahin ka siiyey Safiirka howlgallada ka socda gobollada Dalka iyo guullihii ugu dambeeyey ee ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka gaareen howlgallada ka socda gobollada Dalka ee looga xoreynayo Maleeshiyada Al-Qaeda.

Wasiirka oo hadlay kulanka kadib ayaa yiri “runtii Safiirka Dowladda Hindiya u fadhiya dalka Kenya waxeynu ka wada hadalnay arimmo ay ugu horeeyaan guullaha ay Ciidammadu gaareen iyo dadaallada ay Dowladda Soomaaliya dib ugu dhiseyso Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed”

Safiirka Dowladda Hindiya u fadhiya Dalka Kenya oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in Dowladda Hindiya ay aad usoo dhaweyneyso guullaha isdaba jooga ah ee laga gaaray howlgalka ay sida wadajirka ah u wadaan Ciidammada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM waxaanna uu ballan qaaday in dowladiisu ay gacan xoog leh ka geysan doonto dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here