Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo la kulmay Dhigiisa Jabuuti

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa la kulamay dhigiisa Dalka Jabuuti.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ka mid ahw afdiga madaxweynaha ee gaaray Jabuuti, wuxuuna kulan la qaatay wasiirkam gaashaandhiga Dalka Jabuuti,iyagoo ka wada hadlay arimo badan.

Fiqi ayaa sheegay in wasiirka gaashaandhiga uu kala hadlay sidi ay jabuuti gacan uga geysan lahayd dib u dhiska Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.

‘’Waxaan kala hadlay wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska ciidamada XDS, anigoo uga mahadceliyay howlgalka ay ciidamada Jabuuti ka wadaan dalka gaar ahaan gurmadkii ay u fidiyeen dadka reer Beledweyne markii  Wabigu ku tatahay’’ ayuu yiri C/xakiin Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in uu booqasho ku tagay Xero0 ciidan oo ay leeyihiin Daraawiishta dalka Jabuuti, wuxuuna sheegay inay soo bandhigeen Qaabka looga hortago rabshadaha iyo kooxaha argigixisada.

Sidoo kale wasiirada gaashaandhiga Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka wada hadlay ciidamada Jabuuti ee ku biiray AMISOM,wuxuuna wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ugu mahadceliyay sida dowlada Jabuuti ay u garab istaagtay.

Ugu dambeyna Kulanka labada wasiir ayaa ku soo gaba gaboobay qaabkii loogu talo galay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here