Wasiirka Gaashaandhiga oo Usafray Dalka Turkiga kana Qeybgalaya shir Ammaanka Soomaaliya looga Hadlaayo

Safarka wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi uu ku aaday dalka Turkiga ayaa la sheegay in ujeedkiisa yahay ka qeybgalka shir caalami ah oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo ka dhacaya Magaalada Ancara.

Shirka oo laguwado inay kasoo qeybgalaan xubno ka socda beesha caalamka iyo madaxda ugu sareysay dalka Turkiga ayaa waxaa la sheegay in sigaar ah looga hadlayo taageerada Dowladda cusub ee Soomaaliya gaar ahaan dhanka ammaanka.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo Saxaafada kula hadlay garoonka Diyaaradaha ee MagaaladaMuqdisho ayaa wuxuu sheegay in shirkani uu muhiimad gaar ah uleeyahay Soomaaliya isaga oo tilmaamay in dalalka ka qeybagalaya Dowladda cusub ay ka taageeri doonaan dhinaca ammaanka.

Shirka oo ka furmaya Magaalada Ancara maalinta berita ah ayaa wuxuu socon doonaa muddo labo cisho ah,waxaana waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga hadlayo ugu weyn taageerida dhanka ammaanka Dowladda cusub ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here