Wasiirka Gaashaandhiga oo Sheegay in Ciidamada Ahlu Suna ay Ka Tirsan Ciidamada Qalabka Sida

Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Ahlu Suna ee koonfurta ay ka tirsan yihiin Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

C/xakiin Xaaji Fiqi oo maalmihii u dambeeyay booqasho ku tagay Gobolada Bay iyo Gedo ayaa sheegay in ciidamada Ahlu suna ay ka tirsan yihiin Ciidamada qalabka sida ee Dowlada.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Ahlu suna ay dhiigooda iyo naftooda ay u hureen difaaca dalka Soomaaliya,isagoo sheegay inay qeyb ka qaateen ka saaritaan alshabaab ee laga saaray dalka oo dhan.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Ahlu suna ay heli doonaan xuquuqda ay helayaan ciidamada qalabka sida,waxaana uu xusay in si gaar ah ay ula socon doonaan xaalada ciidamada Ahlu suna.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xili dhawaan garab ka tirsan ahlu suna ay ku dhawaaqeen inaysan hoos tageynin dowlada soomaaliya,waxaana wasiirka uu carabka ku adkeeyay in ciidamada ahlu suna ee ku sugan koonfurta lagu biirin doono ciidamada qalabka sida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here