Wasiirka Gaashaandhiga oo Muqdisho kusoo Noqday iyo Faah-Faahin uu ka Bixiyay Safaradiisa

Wasiirka Wasaarada gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo noqday ayaa faah-faahin ka bixiyay safaro uu ku tagay dalalka Uganda iyo Kenya.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa markii uu kasoo dagay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho uu warbaahinta halkaasi kula hadlay isaga oo sheegay in kulan uu Magaalada Kampala ee dalka Uganda kula soo qaatay masuuliyiinta dalkaasi ay isku afgarteen in ciidamada Soomaalida ee tababarka loo geyn jiray dalkaasi la joojiyo gudaha Muqdishana lagu tababaro.

Wuxuu sheegay inay isla garteen masuuliyiintaasi islamarkaana iminka kadib ciidamada Dowladda Soomaaliya lagu tababari doono Magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Bisha Maarso ee sanadka gudihiisa Magaalada Kampala la geyn doono saraakiil ciidan oo uu tiradooda ku sheegay inay gaarayaan 30-sarkaal halkaasina tababar lagu soo siin doono.

Dhanka kale wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa isla garoonka magaalada Muqdisho isaga iyo wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhiga waxay kulamo kula qaateen xubno ka socday Qarmada Midoobay.

Wasiirka ayaa sheegay in xubnahaasi ay kawada hadleen sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabeynta dhanka hubka ah ee saaran Soomaaliya maadaama muddo sanado ah arimahaasi laga hadlaye.

Wuxuu sheegay inay jiri doonaan natiijooyin kasoo baxa arintaasi isaga oo aan si shaacsaneyn u faah-faahiyay kulankaasi iyo nuxurkiisa.

Wasaarada gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa uxusul duubaysa inay sare uqaado tayada ciidamada xooga dalka Soomaaliyed si ay ugu filnaadaan hanaanka ammaanka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here