Wasiirka Gaashaandhiga oo kulan la qaatay Matt Baugh

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay wada qaateen wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi ka socda Dowladda Ingiriiska.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu ka hadlayw afidga sii xoojinta cilaaqaadka udhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Ingiriiska isaga oo ujeediyay Wafidgaasi codsi ballaaran.

C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in Matt Baugh uu ka codsanayo in shirka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kusoo hadal qaadao in dalka Soomaaliya laga qaado cunaqateynta saaran mudada fog.

Matt Baugh dhankiisa wuxuu sheegay in cunqabateynta dhanka hubka ah ee saaran dalka Soomaaliya uu ubalan qaaday in dowladda Britain ay codka ogolaashaha siin doonto waqtiga laga hadlayo qaraarkaasi.

Dowlada Soomaaliya ayaa mudooyinkaan dambe waxa ay aad ugu celcelinaysay islamarkaana dadaal dheeri ah ku bixinaysa sidii dalka Soomaaliya looga qaadi lahaa cunqabateynta saaran hubka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Inay qoslaan maahee afkaaba iskumma qabankaaraan SOOMAALIDIII DHAmaataye ayagan sawir iyo qosol baay ku jiraan soomallida waxaa dhamaysay USC inta ssoo hartaynaa waxaa xabad iyo cudur ku dhameey Ethiopia, Kenya iiyo Uganda adeerkood Cali dheere iiyo xassan DAHIR AWEESNA WAXAY KUU JIRRAAN FULINTTA QORSHIHII NALAGU DHAMALAHAA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here