Wasiirka Gaashaandhiga oo isku Day Dil ka Bad-Baaday Safar uu ku Tagay Garbahaareey iyo Mushaar uu Gaarsiiyey Ciidamada Dawlada

Wasiir Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Somalia iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa maanta barqadii waxay gaareen magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo xarunta u’ah waxaana halkaasi loogu soo dhaweeyey si diiran.

Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji (Fiqi) ayaa waxa uu sheegay inay aad ula dhacsan yihiin habka dagaalada uwajahayaan ciidamada dawlada ee deegaanada gobolka G/gaduud.

Waxaa iminka kulan uu ka socdaa magaalada Garbahaarey saraakiisha ciidamada dawlada Somalia iyo wafdigii uu hogaaminayey wasiirka wasaarada gaashaandhiga xukuumada Somalia C/xakiin fiqi.

Waxa lagu soo waramayaa in kulanka uu yahay mid albaabada uxiran yahay saxaafadana loo diiday inay goob joog ka noqoto iyadoona si hoose wararka aan uhelayno sheegeen in kulanka ka qeyb galeen saraakiil mareykan ah.

Afhayeenka Maamulka gobolke Gedo Axmed Cabdullaahi Xersi ayaa waxa uu sheegay in ururka al shabaab ay weerar ku qaadeen Wafdigii wasiirka gaashaandhiga markii ay garoonka diyaaradaha kusugnaayeen wuxuuse sheegay inay iska caabin sameeyeen wax khasaaro ahna geysan.

“Wafdiga maanta yimid Garbahaareey waxay ciidamo uqeybiyeen mushaar lacageed waxaana loo ballan qaaday in tababar ciidan sidoo kale lasiin doono,saraakiil mareykan ah ayaa lasocday wasiirka gaashaandhiga ayuu yiri afhyeenka”.

Ugudambeyntii xaalada ayaa ah mid deggan iyadoona wali kulanka uu ka socda magaalada Garbahaareey wixii kasoo kordho insha allah dib kala soco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here