Wasiirka Gaashaandhiga oo gaaray Garbahaarey.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Waasare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaan dhigga xukuumadda KMG ah ayaa goordhow gaaray magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gaddo.

Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno ka tirsan Golaha wasiiradda oo ay ka mid yihiin Wasiirka maaliyada, wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka, Taliyaha ciidanka Xoogga dalka iyo xubno ka tirsan dowladda.

Garoonka diyaaradaha Garbahaarey ayaa waxaa wafdigan ku soo dhoweeyay xubnaha dowladda ku ee ku sugan magaaladaasi iyo guddoomiyaha gobolka Gaddo,

Wafdigan ayaa la socon doona xaalada gobolka iyo howlaha ciidan ee gobolkaasi, waxaana isla maanta ay la kulmi doonaan saraakiisha ciidamada Dowladda KMG ee gobolkaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.