Wasiirka Gaashaandhiga oo Booqday Faruumaha Dagaalka Cidanka Dowladda ee Shabeelaha Dhexe

Wasiirka wasaarada Difaaca dalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagay deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Kormeerka Wasiirak Difaaca ayaa waxaa ku wehliye Taliyaha ciidamada xoga dalka Soomaaliyeed Generaal C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo wasiirka wehlinaye.

Ugu horeyn wasiirka ayaa tagay Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo kasii gubday islamarkaana wuxuu gaaray furumaha ugu dambeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya ay kaga sugan yihiin Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Deegaanka qalimoow ayaa wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya wuxuu kula hadlay ciidamada Dowladda Soomaaliya halkaasi oo ku dhira geliyay inay sii wadaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Gobalkaasi looga xureynayo.

Wasiirka aya ciidamada xooga dalka Somaaliyeed usheegay in askarigii geesta kufsi sida uu Madaxweynaha sheegay latoogan doono islamarkaana ciidamada Dowladda Soomaaliya wuxuu uga digay inaysan kufsan hablaha Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa k u amaanay ciidamada Dowladda Soomaaliya sida Shabaab ay uga xureeyeen Gobalkaasi Deegaano ka tirsan sida uu sheegayna Deeganada ay iminka Shabaab ka joogaan Gobalkaasi dhawaan laga saari doono.

Waa markii ugu horeeyay ee wasiirka difaacda dalka uu ku tago deegaano ka tirsan Gobalkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here