Wasiirka Gaashaandhiga Kenya oo Gaaray Gaarisa iyo Jahwareer wali ka jira

Wasiirka wasaarada gaashaandhiga dalka Kenya Maxamuud Yuusuf Xaaji iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa gaaray magaalada Gaarisa iyadoo si weyna loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Gaarisa.

Yuusuf xaaji ayaa halkaasi utagay sidii wax looga qaban falalka amni xumo ee mudooyinkii dambe kusii kordhayey halkaasi waxaana rabshado 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Gaarisa waxyeelo kasoo gaartay dad badan.

Wasiirka gaashaandhiga waxa uu kulamo la qaadan doonaa laamaha amaanka Gaarisa waxaana la sheegay in iminka la isku diyaarinayo kulamadaasi.

Sidoo kale Xoghayaha gudiga Amniga magaalada Gaarisa Xasan Cusmaan Shuuriye ayaa si kulul ucambaareeyey rabshadaha kasoo cusboonaaday magaaladaasi islamarkaana ku eedeeyey inay ka dambeeyaan Ururka Al shabaabka Somalia.

Xasan Shuuriye waxa uu sheegay in al shabaab iyo dhalinyaro kenyan ah xiriir dhexmaray awgeed rabshadaha maalmahan dambe  ka dhacayey halkaasi isagoo shacabka Gaarisa ka codsaday inay amaanka kala shaqeeyaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here