Wasiirka diffaca ee Somalia oo booqasho ku jooga Sudan

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Sudan
Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Sudan

Wasiirka difaaca Soomaaliya Maxamed Sheekh Xassan Xaamud ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sudan, si uu ula kulmo dhiggiisa Sudan Cabdul Raxiim Maxamed Xuseen una usoo indha-indheeyo warshad hubka sameysa oo ku taal Khartoum.

Booqashada ayaa lagu sheegay fursad kor loogu qaadayo xirrirka ka dhexeeya labada dowladood iyo in taageero millatari uu Xaamud kaga codsado Sudan.

Xaamud iyo Xuseen ayaa sida la soo sheegay ka wada hadlay sida dowladda Sudan ay ku taakuleeyn karto dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaamud sidoo kale wuxuu la kulmay xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida iyo arday ku nool Sudan isagoo uga xog warramay xaaladda hadda ka jirta Soomaaliya, Raadiyo Muqdisho ayaa sheegay.

IMG_6721

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here