Wasiirka dhalinyarada oo iibsaday Fiisooyinkii loogu tala galay…

Cismaan Cabdi DhuuboowNairobi(Midnimo)-Cismaan Aadan Dhuuboow, oo ah wasiir ku xigeenka wasaarada Ciyaaraha iyo Dhalinyarada, ayaa fashiliyay fadeexad ka dhex taagan wasaaradaasi, kadib markii la iibsaday Fiisooyin loo qorsheeyay dhalinyarada ka qeyb eli lahayd shirka aayaha Soomaaliya ee Bishaan ka dhacaya Dalka Turkiga.

Dhuuboow, waxa uu sheegay in wasiirka Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhalinyarada uu si hoose Suuqyada ugu iibsaday Fiisooyinkii loo qorsheeyay dhalinyarada ka imaan lahayd Gobolada dalka ee ka qeyb geli lahay shirka Turkiga, kaasoo looga hadli doono Hiigsiga Soomaaliya.

“…Wasiir Nuux iyo rag katirsan Madaxtooyada, ayaa si cad suuqyada ugu iibsadeen in ka badan 20 Fiiso oo loogu tala galay dhalinyarada Soomaaliyeed ee Gobolada iyo Caasimada ku nool” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here