Wasiirka Dakadaha oo marki ugu horeysay ka hadlay fadeexada Dakada ka taagan + Sawiro muujinaya qaar ka mid ah biraha Dakada yaala

Wasaarada dekedaha, gaadiidka cirka iyo dhulka dowlada KMG Soomaaliya ayaa marki ugu horeysay jawaab ka bxiyey eedeyn loo soo jeediyey oo ku saabsan iibsiga biro loogu tala galay dakada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay maanta magaalada Muqdisho ayuu Aadan C/laahi Aadan ku beeniyey warka sheegaya in wasaarada Dakadaha ay gadatay biraha waaweyn ee yaala dakada Muqdisho kuwaasi oo loogu tala galay in lagu dayac tiro dakada caalamiga ah ee Muqdisho.

“Warkaasi waa war lagu doonayo in lagu xumeeyo sumcada hey’adaha dowlada laguna fadeexeeyo, waa waxba kama jiraan in wasaarada aan madaxda ka ahay ay iibsatay biraha yaala Dakada warkaasina waa mid aanan la heyn sal iyo raad,” ayuu yiri Mr Adan.

Xog sir ah oo aan ka helnay ilo ku dhaw dhaw Wasaarada Dakadaha ayaa muujisay in uu jiro qilaaf soo kala dhex galay wasiirka iyo maareeyaha dakada Muqdisho kaasi oo ku aadan heshiis lala galay shirkad lagu magacaabo Al Shuaiq General Tradings oo laga leeyaha Puntland.

Shirkadaasi ayaa la sheegay in ay iibsatay biro loogu tala galay in lagu dhiso dakada caalamiga ah ee magaalada Muqdsho.

 

Daawo sawirada qaar ka mid ah biro duug ah oo yaala dakada magaalada Muqdisho

1 COMMENT

  1. asc
    sln ka dib waaa kuwa naxariis laaba yaal ah hantidii wadanka tiilay waa kuwii laayay waliba birihii cereynka ahaa ee wadanka yilay waxay gateen dadka bani’aadamka ah naftooda manatana waxay gadanayaan berihii oo ugu soo degayaan cuntadii uu cuni lahaa waa naxariis laabe kaas sharciga hala mariyo asiga iyo inta raacan iyo kuwa kale ee tuugada ah
    waxaan ka dhexli doontaan cudur xun oo aan daawo laheyn

Comments are closed.