Wasiirka beeraha Soomaaliya oo maanta la dhaariyey

Munaasab maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa lagu dhaariyey wasiirka cusub ee Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xasan.

Xafladi lagu dhaariyey ayaa waxaa goobjoog ahaa oo ka hadlay gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan iyo ra’isulwasaarare Cabdiwali Maxamed Cali.

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Xasan Gaboobe ayaa dhaariyay Wasiirka Cusub ee Beeraraha iyo Xanaanada Xoolaha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xasan.

Dhaaryta kadib ayaa waxaa halkaasi hadal bagoodin ah ka jeediyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu hambalyeeyay wasiirka Beeraha iyo Xanaanada ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xilka loo magacaabay islamarkaana u gudan doono shaqadiisa si cadaalad ah.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Xuseen Maxamed Sheekh Xasan uu yahay shaqsi khibrad leh islamarkaana laga rajeynayo inuu guto waajibaadka loo idmey oo ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.