Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia oo casho sharraf u sameeyay wafdiga DF Somalia iyo Jubbaland

Kismaayo

Sida ay baahisay wakaalada wararka Ethiopia ee ENA ayaa sheegtay maanta oo Talaado in ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn uu la kulmi doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopa.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadli doona xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb-galo xuska geeridii raysul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi, oo muddo sanad ah laga joogo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay xoojinta iyo dib u soo celinta  xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeeyay waddamada deriska la ah iyo guud ahaan caalamkaba.

Dhinaca kale, Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia Dr.Tedros Adhanom ayaa xalay kulan casha sharaf ah la qaatay wafdigii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ee shalay Addis Ababa gaaray

Warar lagu kal soon yahay ayaa muuninaya in  maanta wax kulan ah uusan jiri doonin maadaama Addis Ababa laga xusayo sanadguuradii kasoo wareegtay geeridii Meles Zenawi.

 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here