Wasiirka arrimaha dibada Uganda oo marki ugu horeysay soo gaaray Muqdisho

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibada Uganda Sam Kutesa ayaa goor dhaweyd soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xubnaha wafdigaan oo uu ka mid yahay taliyaha ciidamada lugta ee dalka Uganda Katula Wamaala ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cabdulle ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey wasiiro uu horkacayey wasiirka difaac Xuseen Carab Ciise.

Waxaa si toos ah loogu gudbiyey madaxtooyada oo lagu wado in ay kulamo kula qaataan madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Wixi kusoo kordha kala soco Midnimo.com

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.