Wasiirka arrimaha dibada Uganda oo la kulmay madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha + Sawiro

Wasiirka arrimaha dibada Uganda Oriemo Okello oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kula kulmay madaxda dalka.

Wafdiga Mr Okello oo ay ka mid ahaayeen taliyaha ciidamada lugta Gen. Katumba Wamala, Taliyihii hore ee ciidamada Amisom  Naten Maguusha iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Kampala ayaa ka hor inti aysan tagin madaxtooyo waxay salaan sharaf uga qaateen xarunta Xalane qaar ka mid ah ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM.

Madaxweynaha Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed oo ku qaabilay xafiiskiisa ayaa kala hadlay wasiirukhaarijiyaha Uganda xiriirka labada dal iyo arimo ku aadan shirka magaalada London.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey dowlada Uganda sida ay u garab taagantahay mar walba iyo doorka ay ka ciyaareyso xasilinta iyo amaan soo celinta Soomaaliya.


Uganda ayaa waxaa ka jooga dalka Soomaaliya ciidamo nabad ilaalin ah kuwaasi oo hogaan u ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee howlgalada ka wada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.