Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Talyaaniga Julio Terzi oo booqasho ku yimid Muqdisho

Wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibada ee dowlada Talyaanaiga Julio Terzi ayaaa maanta booqasho ku tegey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxa ay la kulmeen madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka  Soomaaliya Prof Xasan Sh. Maxamuud iyagoo kula kulmay xafiiska madaxweynaha waxayna kala hadleen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Wasiirka arimaha dibada dalka Talyaaniga ayaa isna waxaa uu sheegay in ay muhiimada gaar ah ay siinayaan xiriirka saaxiibtinimo ee kala dhexeeya Soomaaliya islamarkaana ay taageero ugu fidinayaan shacabka soomaaliyeed.

Wafdigan ka socday dowlada Talyaaniga ee uu horkacayay wasiirka arrimaha dibada ee Talyaaniga ayaa waxa uu yahay mas’uulkii ugu sareeyey ee ka tirsan dowlada Talyaaniga ee booqasho ku yimaada dalka Soomaaliya tan iyo markii loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dalka Talyaaniga ayaa waxaa ku sugan kumanaan Soomaali ah oo badankood ka cararay dagaalada dalka Soomaaliya.Waxaana sanad walba gaara xeebaha dalka Talyaaniga dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku taga dooman ay ka raacaan dalka Libya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here