Wasiirka arrimaha dibada Brtian oo maanta Muqdisho soo booqday

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray xoghayaha arrimaha dibada dalka Ingiriiska William Hague.

Booqashadaan oo aheyd tii ugu horeysay oo uu wasiir arrima dibadeed British ah ku yimaado Soomaaliya mudo 20 sana ah ayaa si weyn loo soo dhaweeyey, waxaana uu xarunta madaxtooyada kula kulmay madaxda ugu sareyso dalka.

Willaim Hague ayaa socdaalkiisa ahaa mid lama filaan ah oo uu ku wehliyay Ergeyga Britain u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh, socdaalkiisa ayaa qeyb ka ahaa dadaalada Britain ku dooneyso shirka 23-ka Febraayo ka dhici doona magaalada London.

Kulan wada jir ah oo ay Madaxtooyad aku qaateen Wafdiga Xoghayaha Arrimaha dibada Britain iyo madaxweynaha ayaa looga hadlay arrimaha shirka London, iyadoo Madaxweynaha la siiyay warqad rasmi ah ee casuumaad.

Willaim Hague ayaa sheegay in madaxda dowladda ay kala hadlay shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, isagoo xusay inuu rajeynayo in shirkaas ay ka soo baxaan waxyaabo mira dhala sida uu yiri.

Ingiriiska ayaa maalmahan wufuud heer sare ah usoo dirayey Soomaaliya, maalin ka horna waxaa Puntland booqday wasiirka horumarinta caalamiga ah Andrew Mitchel.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.