Wasiirka Arimaha Gudaha ” Xilalka Gobolada Degmooyinka waxaan u fiirin doonaa Rabitaanka Shacabka ”

Wasiirka arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradiisu ay ku howlan tahay sidii ay dib ugu soo celin lahaayee shuruucdii iyo xeerarkoo Gobolada iyo Degmooyinka.

Wasiirka ayaa sheegay in la tixgalin doono Dareenka dadweynaha iyo Codkooda , wuxuuna sheegay in xilka loogu dhiibi doono ruuxii ay u arkaan inuu qaadi karo xilkaasi.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xusay in muhiimada koobaad , labaad , sadexaad ay siin doonaan amaanka Goboilada iyo Degmooyinka , isagoo sheegay in meel amaan uusan jirin inaan lagu shaqeyn karin.

Wasiirka wasaarada cusub ee Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa ah nin ku cusub siyaasada Soomaaliya , waxaana laga sugayaa isbadal dhanka amaanka ah, isagoo dhowr mar hore balan qaadayv inuu wax ka qaban doono amaanka Magaalada Muqdisho iyo guud  ahaan Dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here