Wasiirka Arimaha Gudaha oo Sheegay in Maamulka Jubbooyinka loo Sameynayo uu Noqonayo Mid Shacabka ka Dhexyimaada

Xilli wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay socdaal ku joogaan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka oo wasiiradaasi horkacaye wuxuu sheegay in maamulka loo sameynayo Kismaayo uu noqon doono mid shacabka ka dhexyimaada.

C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inay wada kulmeen masuuliyiinta maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo iyo sidoo kale waxgaradka Gobalkaasi ayna ka wada hadleen arimaha maamul usameynta.Sidoo kale wuxuu sheegay in shacabka Gobalada Jubbooyinka maamulka loo sameynayo uu yahay mid ka dhex imaanaya iyaga balse uusan noqon doonin mid dusha lagaga keena.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa wuxuu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya xilligan aysan aheyn mid KMG ah balse ay tahay Dowladda Federaal maamulka Kismaayo loo sameynayana uu yahay maamul Dowladda hoostagaya.

Hadalka wasiirka ayaa wuxuu ka jeediyay kadib kulan ballaaran oo uu shalay Magaalada Kismaayo isaga iyo wasiiro kale ay kula qaateen qaar kamid ah waxgaradka Gobalada Jubbooyinka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here