Wasiirka arimaha gudaha oo ku baaqay in amniga la xoojiyo bisha Ramadaan

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Dowlada KMG Soomaaliya, C/samad Macalin Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho in ay ka qeybgalaan sugida amaanka bisha Ramadaan.

Bisha Ramadaan oo ah bisha ugu qeyrka badan 12-ka bilood ee sanadka ayaa kusoo beegan dhamaadka todobaadkan, waxaana sanadihi dhawaa ee lasoo dhaafay bishaan oo kale Muqdisho caan ku aheyd dagaalada, qaraxyada iyo dilalka, kuwaas oo ka imaanayey Al Shabaab.

Mr. Cabdisamad ayaa sheegay in sidoo kale ugu baaqay ciidamada amaanka in ay xoojiyaan xaaladaha amaanka.

“Sida aan la socono waxaa nagu soo dhaw bishi Ramadaan marka dhamaan umada Soomaaliyeed ee Muslimka ah in ay ka qeyb qaataan sugida amaanka Muqdisho ciidankana waxaan leenahay ha laba laabeen amaanka sugistiisa,” ayuu yiri.

Bisha Ramadaan ayaa ah bil cibaado iyo bil kher waxaana ka faa,ideysta dadka Muslimiinta ah oo ALLE ka barya in uu ugu danbi dhaafo isla markaana uu uga xoreeyo naarta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here