Wasiirka arimaha gudaha oo ka warbixiyay waxyaabihii ay Kismaayo Kusoo arkeen

C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya, iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa Muqdisho dib ugu soo laabtay, wasiirka ayaa ka saxaafada mar uu si kooban ula hadlay waxa uu u sheegay ineey kulamo lasoo qaateen masuuliyiinta maamulka KMG ah ee Kismaayo ka taliya.

“Ujeedad socdaalka waxa ay aheyd in loo kuurgalo xaalada guud ee Kismaayo gaar ahaan dhibaatadii doraad dhacday ….Alxamdu lilaahi markaan kulamo badan la yeelanay masuuliyiintii iyo dadkii waxgaradka ahaa magaalada waxaan ogaanay in uusan dhib weyn jirin…”.

Sidoo kale mudane C/kariin Xuseen guuleed, waxa uu sheegay in masuuliyiintii ay Kismaayo kula soo kulmeen ay isla soo hadal qaadeen maamul u samaynta gobolada jubooyinka oo dhowr mar hakad ku yimid.

“arimo muhiim ah baan kawada hadalnay oo ku saabsan Jubooyinka iyo deegaankaan wada hadal dheer oo aan yeelanay kadib waxaan isla garanay in wada hadalka iyo wada tashiga aan sii wadno, arimaha jirana wada hadal lagu xaliyo”. Ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka.

Safarka wafdigaan shalay ku gaaray magalada Kismaayo ayaa imaanaya kadib laba maalin kahor oo dagaal qasaaro gaystay uu magaalada ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed.

Sidoo kale magaalada Kismaayo waxaa maalmihii ugu danbeeyay kajiray dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo xoogaan, kuwaasoo ay wadaan masuulyiin kasoo jeedo Jubooyinka kuwaasoo doonaya ineey samaystaan maamul goboleed loogu magac daray Jubaland, waloow doowlada Soomaaliya sida muuqata aysan raali ka ahayn maamulkaas, dhankeedana ay shir wada tashi ah oo ka dhaca Muqdisho ugu  baaqday siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here