Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Md. Cabdi-Samad Macallin Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daah-furey Barnaamijka Xasilinta Muqdisho oo ay iska kaashanayaan hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Mareykanka (USAID) iyo hay?adda dalka Ingiriiska (UK) u qaabilsan horumarinta dibedda ee (DFID), iyadoo barnaamijkaasna lagu taageerayo $9.5 malyuun oo ah deeq ka timid dawladaha Mareykanka iyo UK.
Saraakiisha Dawladda Federaalka KMG ah oo isugu jiray kuwa heer qaran, gobol iyo madaxda degmooyinka ayaa la shaqeynayey Gudiyada Nabadda ee 16-ka degmo ee Muqdisho si ay u soo diyaariyaan mashaariic bulshada loo hirgelinayo.
Mashaariicdaas oo ay taageerayaan USAID iyo DFID, Soomaaliduna ay u bixisey ?Dan Guud?, waxaa loogu talo galay inay sare u qaadaan xasilinta iyo dib u heshiisinta.
Mashaariicdani waxa ay qayb ka yihiin iskaashiga u dhexeeya USAID, DFID iyo TFG-da ee hawlaha xasilinta, si loo dhiirrigeliyo dhisidda aragti-mideysan oo heer degmo ah oo loo marayo horumarinta heer degmo ee mashaariic saameyn deg-deg ah abuuri kara. Hawlaha la qabanayo waxaa soo doortey iyadoo heshiis lagu yahay Guddiyada Nabada Degmooyinka iyo xubnihii ka socday bulshada, waxayna isugu jiri karaan bannaynta wadooyinka xirmey, iftiiminta waddooyinka, dhisid iyo dayactir, ama munaasabadaha bulshada.
?Waxaan u aragnaa barnaamijka Dan Guud inuu yahay mashruuca loogu han-weyn yahay ee muddooyinkii dhowaa laga hirgeliyo Muqdisho? Dawladda Soomaaliyeed yidiiilo ayey u tahay dadaalka USAID iyo DFID waana ay ka mahad naqaysaa deeqdaas. Waxaan filaynaa inaan aragno mustaqbalka dhow barnaamijyo caynkan oo kale ah oo laga fuliyo dibedda Muqdisho,? ayuu yiri wasiir Cabdisamad Macallin Maxamuud.
?Anigoo ku hadlaya magaca dadka Muqdisho, waxaan jeclaan lahaa inaan
si kal iyo laab ah ugu mahadnaqo USAID iyo DFID mashaariicda kala duwan ee degmooyinka Muqdisho oo ay maalgelinayaan. ?Waxaan hubaa in Dan Guud ay ka caawin doonto magaaladu sidii ay uga kici lahayd dambaska ,? ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur.
USAID iyadoo garabsanaysa dadka Soomaaliyeed waxay inka badan $300 oo malyuun oo gargaar ah bixisey tan iyo sanadkii 2011-ka si loo caawiyo baahida dhinacyada gargaarka, nabadda, iyo soo-kabsashada.
Barnaamijka DFID ee gargaarka Soomaaliya waxa uu qorsheynayaa inuu ku qarash-gareeyo cel-celis ahaan sanadkiiba £69 Malyuun oo lacagta Ingiriiskatan iyo sanadka 2015-ka, taasi oo dhiirri-gelinaysa xasiloonida mudada fog isla markaana si toos ah u horumarinaysa nolosha dadka saboolka ah ee Soomaaliyeed. Labada dalba waxa ay aaminsan yihiin dadka Soomaaliyeed iyo mustaqbalka xasiloonida Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.