Wasiirka arimaha gudaha Kama war qabno shirka maamul usamaynta Kismaayo Dhageyso

Wasiirka arimaha gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in doowlada aysan ka warqabin qaban qaabada shirka maamul usamaynta Jubooyinka ee ka socda magaalada Kismaayo.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in doowlada ay ku baaqday shir looga tashanayo maamul u samaynta Jubooyinka, islamarkaasna ay kasii qaby galaan dhamaan beelaha daga halkaas, kuwaasoo isugu jira waxgarad, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo odoyaasha dhaqanka.

“Wafdi xukuumada ka socda ayaa tagay Kismaayo, kaasoo ujeedkiisu ahaa inuu soo qiimeeyo xaalada magaalada iyo sidii maamul loogu samayn lahaa Jubooyinka, waxaana gogol ufidinay maamulka KMG ah ee halkaas kataliya ineey Muqdisho yimaadaan si looga arinsado maamul usamaynta Jubooyinka, laakiin nasiib daro cilado jiro awgood ma dhicin” ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha. wareysi uu siiyaya VOA

Dhageyso wareysiga oo dhameystiran

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/02/wrgudaha.mp3″]

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ku qanacsaneyn in maamul ka dhexeeya labada Jubbo iyo Gedo la dhiso, waxaana ay doorbidayaan in gobolkasta maamul kumeel-gaar ah oo ay iyagu soo magacaabaan u sameeyaan, taas oo dadka deegaankaas iyo weliba dowladihii ku kaalmeeyey in meelaha qaarkood al-Shabaab laga saaro ay ka soo horjeedaan

Shirka la iclaamiyay in 23-ka bishan oo ku beegan maanta lagu qabto Kismaayo ayaa waxaa horay uga horyimid Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoojeeda Jubbooyinka oo codsaday in dib loo dhigo Dowladdana ugu baaqay inay soo farageliso islamarkaana wax badan ay u sinnaadaan maamulka Jubbooyinka beelaha wada dega deegaannadaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here