Wasiirka Arimaha Dibada oo Maanta u Ambabaxday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha Dibada Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa Maanta ka dhooftay Garoonka Caalamiga Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho, iyadoo wasiirada safarkeeda uu ku wajahan yahay dalka Kenya.

Wasiirada oo la hadashay saxaafada ka hor inta aysan ka ambabixin Garoonka Muqdisho ayaa sheegtay inay casuumad rasmi ah ka heshay Dowlada Kenya.

Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa Nairobi kulamo kula qaadan doonta Madaxada kala duwan ee Dalka Kenya, waxaana ay si rasmi ah uga wada hadli doonaan xiriirka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

Waa safarkii labaad ee wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya ku tagto wadanka dibadiisa, iyadoo isbuucii hore ka qeyb gashay shirkii Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay Magaalada Jabuuti ee DjABUUTI.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here