Wasiirka Arimaha Dibada IIran oo Sheegay inay Safaarad ka Furanayaan Muqdisho (Sawiro)

Wasiirka amuuraha Dibada Iiraan oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay Safaaradooda ka furan doonaan caasimada Muqdisho.

Cali Akbar Saalixi oo ah wasiirka arimaha Dibada  markii ay soo caga dhigatay Diraaddii waday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde  Airport  ayaa waxaa ku soo dhoweeyay wasiirro ka tirsan xukuumaadda oo uu ka mid ahaa wasiirka difaaca dalka, wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka,  wasiirka Maaliyadda  iyo wasiirro kale , waxaana kulamo ay ku qaateen aqalka madaxtooyada Soomaaliya.

Shirka ay qaateen wasiirka arimaha Dibada Soomaaliya iyo Wasiirka arimaha Dibada IIraan kadib waxaa ay la hadleenw arbaahinta Muqdisho , waxaana ay kaga hadleen arimihii ay isla soo qaadeen.

Wasiirka arimaha Dibada Iiraan oo hadalka u hor qaatay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay yimaadaan Muqdisho , wuxuuna balanq aaday in sida ugu dhaqsaha badan ay Muqdisho uga furan doonaan Saafarada dalkaasi Iiraan.

Wasiirka Maaliyada oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad ugu mahad celinayaan Dowlada IIraan iyo Wasiirka arimaha Dibada ee soo gaaray Muqdisho , wuxuuna xusay in Dowlada Iiraan lagu xasuusto Taageeradii ay siiyeen xiligii ay abaarta ku dhufatay soomaaliya.

Dowlada Iiran ayaa ka mid ah Dowladaha ugu dhow dhow Soomaaliya ama saaxiibka dhow la ah , waxayna ku dadaalayaan sidi ay soomaaliya mar labaad cagaheeda ugu istaagi lahayd.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here