Goodax Barre oo ku gacan seeyray Heshiiska lagu aqoonsaday Maamulka 3da Gobol

Wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre
Wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre

Wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa caddeeyay in wasaaradiisa aaney lala socodsiin heshii shaley lagu mideeyay labada maamul ee koonfur galbeed.

Wasiirka oo hadda ku sugan dalka Jabuuti ayaa u sheegay VOA-da in heshiiskaas uu ku arkay bogagga Internetka oo aan lala socodsiin xittaa.

Wuxuu sheegay in shaqadii uu lahaa ay wadaan dad kale taasna ma ahan wax dowladnimada ku fiican ayuu yiri.

“Heshiiskan waa mid meelo kale laka kariyay, laakin wixii la kariyay haddii ay noqonayaan wax fiican waa soo dhaweenayaa, laakin sidda iimuqato waxaa soo baxay dhaliilo cusub” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa la weydiiyay haddiiba uu ku arkay heshiiska Internetka in la dhihi karo xiriirka xukuumadda iyo wasiiradda xukuumadda ma ahan mid xiriir uusan ka dhexeynin.

Wasiirka wuxuu yiri siddaas lama dhihi karo, balse heshiiskan waxa watay shakhsiyaad gaar ah oo awooda dowladda ayaa ku yar ayuu sheegay.

Wasiirka wuxuu sheegay oo kale inuu ka cabsi qabo in heshiiskaas lagu mideeyay labada maamul in uu horseedi karo dagaal sokeeye oo lagu hoobto, waxaana mas’uuliyadiisa qaadan doona ayuu yiri cidda heshiiska soo diyaarisay.

1 COMMENT

  1. waxaa aragnaa in akbaab fidno dib loo soo nooleeye riyomaalmeedka darood rabo in ay isku diraan walaalaha digil iyo mirifle in ay hubisgu dhibaan si aysan soomali nabad u noqon waxaa la hurinayaa albaabka dagaalada runta waxay tahay ninka dhof ku yimid in ay geerida dhibeyso r/w qurbo njiif ah soomaliya ka maqnaa 22 sanno wuxuuu moodey in uuu guul gaaary beesha caalamka ma nabada soomaliya ayey ka shaqeyneysaa ama soomali ay isku direysaa shariif sakiin oo la og yahay dhibaatada uu soomli u geystey hadana ka shaqeynaayo in uu isku diro walaalaha digil iyo mirifle taas uu ku taageeraayo r/w aduunka ka maqan inta badan waxaan sugnaaba waa hagardaamada federalka xanuunka geesida xabaasha shacabka waxaana mas.uuliyadeeda leh ragga kursi boobka h aan rabin in si xalaal ah wax loo qeybsado nabad soomali weli diyaar uma han shacabka inta badan waxay rabaan ayaa soconeyso in yar oo kurs doon ah ma qabi karto shacabka badan la arkeey naar gale alanshey baas abuurka shafsakiin sakiin degaanee meeshuuu ku gashan lahaaa gurbaan naareedka mas,uuliyada asga qaadi doono wixiii walaalaha dhexdooda ka dhaco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here