Wasiirka Amniga oo xalay kormeeray qeybo kamid ah Muqdisho

Muqdisho-habeen
Muqdisho-habeen

Wasiirka Aminga Qaranka ayaa xalay kormeeray howlgal ay hey’adaha ammaanku xalay ka fuliyeen qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir.

Kormeerkan xalay ee wasirka amniga Qaranka mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo ku xigeenkiisa mudane Ibraahim Isaaq Yerow ayaa waxaa ku wehliyay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Agaasimaha hay’adda nabad sugidda Qaranka, iyo saraakiil kale.

Ujeeddada kormeerka mas’uliyintan ay xalay ku soo mareen degmooyinka gobolka banaadir iyo isgoysyadooda ayaa waxaa uu ahaa sidii ay ugu kur geli lahaayeen xaaladaha amni ee deegaannadaasi oo mudooyinkan dambe kooxaha argagixisadu ay isku dayayeen iney qal qal geliyaan ammaanka..

Isgoysayda ay xalay mas’uuliyiintan  kormeerka ku tageen ayaa waxaa ka mid ah  Ex-control Balcad,Ex-control Afgooye, warshadaha ,Dayniile, howlwadaag, iyo meel fara badan oo magaalada muqdisho ka mid ah.

Dhamaan meelihii ay xalay kormeerka ku tageen mas’uuliyiinta ayaa waxa  kula kulmayeen ciidamo amaanka isgoysyadaasi sugayay oo iyaguna rondo ku sameynayay xaafadaha degmooyinkaasi si cadowga aanu shacabka u dhibaateynin waxayna mas’uuliyiintu xalay meel walba oo ay tagaan ay warbixin ka qaadanayeen gudoomiyayaasha degmooyinka.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General C/xakiin Daahir Siciid ‘’Saacid’’ oo la hadlay Radio Muqdisho isagoo xalay saqdii dhexe ku sugnaa xaafadda loo yaqaano Tii-da oo ka tirsan degmada Dayniile ayaa u mahadceliyay dadka deegaanka sida ay uga qeyb qaaateen sugida amniga wuxuuna u balan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay muhiimad gaar ah ay siin doonto dadkaasi.

Wasiirka amniga Qaranka mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay sida dadka deegaanka ay u garab taaganyihin laamaha amniga Qaranka osagoo xusay in qof walboo muwaadin ahna ay mas’uuliyad ka saarantahay sugida amniga dalka.

RM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here