Wasiirka amniga: Hoteelada waa ineey iyaga amaankooda sugtaan

wasiirka amnigaWasiirka Amniga Gudaha Dowladda Somaliya ayaa sheegtay in Maamulayaasha Hotelada Muqdisho laga doonaayo suggida ammaanka Hotelada.

Waxa uu sheegay Hotel waliba maamulkiisa hadii aysan xaqiijin karin ammaanka dadka Hotelka degan iyo dadka isugu imaanaayo, inuusan aheyn Hoteelkaasi inuu sii furnaado.

C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay dhibaatooyinka amnidarada ee ka dhaca Hotelada Muqdisho, masuuliyadeeda kaliya inaysan qaadayn Hay’adaha ammaanka Dowladda, balse ay qaadayaan Maamulayaasha Hotelada.

“Hal mid ayaan rabaa inaan sheego dadka shacabka ah ee Hoteelada isugu imaanaayo ee degan, hadii Hotelka amniga qofka uusan suggi karin inuu furnaado ma’ahan marka taas in la ogaado ayaan rabaa ma’ahan dhibkii dhaca in la dhaho Hay’adaha amniga ayaa masuuliyadaasi iska leh in la dhaho lama rabo, shacabka goobaha Makhaayadaha iyaga inay amnigooda suggaan ayaa la rabaa sida ay rabaan haku sugaan.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa sheegay Wasaarada Amniga inay dejisay qorshe lagu xaqiijinaayo ammaanka Hotelada Magaalada Muqdisho, qorshahaasi oo Golaha Wasiirada ay meel mariyeen, islamarkaana laga doonaayo maamulayaasha Hotelada inay ku dhaqmaan.

Xoogaga Shabaab ayaa shalay weerar gaari xamuul loo adeegsaday ku qaaday Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here