Wasiiradda Arrimaha Dibada Soomaaliya oo safarkii u horeeyay u ambabaxday

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Aadan ayaa maanta safarkii ugu horeeyay ugu ambabaxday dalka Jabuuti oo ay kaga qeybgaleyso shir beri ugu furmi doono Wasiiradda arrimaha dibada dalalka Islaamka.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee maalin kadib markii Baarlamaanka uu ansixiyay ugu ambabaxdo dibada, iyadoo wafdiga ay hoggaamineyso Wasiiradda Jabuuti kaga qeybgeli doonto shirka Wasiiradda arrimaha dibada oo looga hadli doono arrimo ku saabsan xiriirka dalalka Islaamka, waxaana qeyb ka ah ajandaha shirka xaaladda dalka Soomaaliya.

Mudada ay joogto Jabuuti ayaa la filayaa iney halkaasi kula kulanto Wasiiradda arrimaha dibada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo kuwa daneeya.

Inkastoo shalay Baarlamaanka ansixiyay jiritaanka xukuumadda cusub, weli lama dhaarin, maanta ayaana la filayaa in la dhaariyo Golaha Wasiiradda, iyadoo ay ka maqnaan doonto Wasiiradda arrimaha dibada ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here